War Deg-Deg Ah
Amniga

Boqolaal ciidan oo tababar loogu soo xiray Xananbuure oo ka goostay Dowladda Soomaaliya

Ciidamadii la tababaruayay Xananbuure ee Galgaduud ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudda, iyagoo galay gudaha Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalooyinka Caleen iyo Shaygoosh.

Fethi Ali SherifAugust 30, 2026 at 06:00 AM
Boqolaal ciidan oo tababar loogu soo xiray Xananbuure oo ka goostay Dowladda Soomaaliya
Ciidamada Xoogga Dalka oo tababar ku dhammaanaya Xananbuure, Dhuusamareeb. · Sawirka: SomaliView

Dhuusamareeb, Galgaduud — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqolaal ciidan oo dhawaan tababar loogu soo xiray Xananbuure, oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ay ka goosteen dowladda Soomaaliya, iyagoo u gudbay dhanka Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo galay gudaha Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalooyinka Caleen iyo Shaygoosh.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamadan ay ka mid ahaayeen askartii dhawaan tababarka loogu soo xiray Xananbuure, iyadoo tirada ciidamada ka gudbay xuduudda lagu sheegay boqolaal.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada lagu arkay deegaanno ka tirsan dhinaca Itoobiya, halka xaaladda ciidamada iyo sababta ay uga goosteen dowladda Soomaaliya ay weli tahay arrin si weyn loo hadal hayo.

SomaliView ayaa la socota faahfaahinta dhacdadan, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah ay kasoo baxdo labada dhinac.

Xayeysiis 728x90

Faallooyinka

  • Cabdi H.

    Warbixin fiican. Waxaan rajeynayaa in la sii daba galo horumarka mashruuca.

Warar kale oo aad xiisayn karto