Nabadda iyo xasilloonida Jubaland: Nimco ka muuqda deegaannada, shacabku wada nool yihiin walaaltinimo
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo lagu bogaadinayay dadaalka nabadda iyo midnimada, Ciidanka Jubalandna oo habeen iyo maalin taagan ilaalinta amniga shacabka.

Ilaahay baa mahad oo dhan iska leh. Deegaannada Jubaland maanta waxaa ka muuqda nimco weyn oo ah nabadda iyo xasilloonida.
Qabiilooyinkii walaalaha ahaa ee wada noolaa colaad iyo khilaaf ma dhex yaalo, shacabkuna waxay ku wada noolyihiin is-ixtiraam, walaaltinimo iyo nabad. Cadawgana warkiisaba daa; marka dadku mideysan yihiin, dalkoodana ay nabad iyo kala dambeyn ka jirto, waxay noqdaan bulsho aan si fudud loo kala dhexgelin karin.
Nabaddan iyo xasilloonidan aan maanta ku naaloonayno ma ahan wax iska yimid. Waxaa ka dambeeya dadaal, dulqaad, hoggaan iyo garab istaagga shacabka.
Nabadoonkeena, Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, wuxuu door weyn ka qaatay dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, midnimada iyo xasilloonida Jubaland. Hoggaamintu ma aha oo keliya in kursi lagu fadhiisto; waa in aad qaaddo masuuliyadda dadka, aad u istaagto marka ay xaalad adag timaaddo, aadna ilaaliso nabadda iyo jiritaanka bulshada.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa Ciidanka Jubaland, oo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga iyo nabadda shacabka. Iyagoo wajahaya dhaxan, qabow, kulayl iyo duruufo adag ayay waajibaadkooda u gutaan si shacabka ay u seexdaan iyagoo nabad qaba.
Marka hooyo ay carruurteeda habeenkii si nabad ah ugu seexiso gurigeeda, marka aabbe uu subaxdii shaqadiisa u aado isagoo ammaan qaba, marka ganacsade uu hantidiisa ku shaqeysto, marka arday uu waxbarashadiisa si xasilloon u wato—waxaas oo dhan waxay xusuusinayaan qiimaha ay leedahay nabaddu.
Jubaland Juu.
Faallooyinka
Cabdi H.
Warbixin fiican. Waxaan rajeynayaa in la sii daba galo horumarka mashruuca.
Warar kale oo aad xiisayn karto

Jubaland oo hawlgallo culus ka wada deegaannada hoostaga Afmadow
Ciidamada Jubaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaanno hoostaga Afmadow, oo ay ka mid yihiin Xagar iyo Weelmaarow, iyadoo la xoojinayo amniga waddada Kismaayo–Afmadow.
Fethi Ali Sherif·46 maalmood ka hor

Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha Jubaland oo Melbourne ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubaland ayaa magaalada Melbourne ee Australia kaga qeybgalay xaflad soo dhaweyn oo ay soo agaasintay Jaaliyadda Jubaland, isagoo qurba-joogta ugu baaqay maalgashi iyo ku noqosho dalka.
Fethi Ali Sherif·46 maalmood ka hor

Jubaland oo bilowday mashruuc ballaarin ah oo lagu casriyeynayo dekedda Kismaayo
Mashruuca ayaa la filayaa inuu labanlaabo awoodda ganacsiga badda ee gobolka Jubbada Hoose.
Faadumo Cali·48 maalmood ka hor

Gedo: Mashruuc biyo oo la dhammeeyay ayaa adeegsi u fidinaya boqolaal qoys
Ceelal cusub iyo tuubooyin biyo ayaa la dhigay degaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Hodan Cabdi·50 maalmood ka hor