War Deg-Deg Ah
Amniga

Muxuu Xasan Sheekh iskaga beddelay askartii sida gaarka ah ugu qornayd qaar ka mid ah xalay?

Qaar ka mid ah askartii sida gaarka ah ugu qornayd Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay laga dhaafay Villa Soomaaliya, kaddib muran dhulal oo dhex maray iyaga iyo Taliyaha Guutada 77-aad ee Madaxtooyada.

Fethi Ali SherifSeptember 03, 2026 at 05:30 PM
Muxuu Xasan Sheekh iskaga beddelay askartii sida gaarka ah ugu qornayd qaar ka mid ah xalay?
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la socda ilaalisiisa gaarka ah, xilli muranka dhulalka Muqdishu uu kordhay. · Sawirka: SomaliView

MUQDISHO — Sida ay ogaatay SomaliView, qaar ka mid ah askarta sida gaarka ah ugu qoran Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gabi ahaanba laga dhaafay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kadib markii ay si toos ah iskugu dhaceen iyaga iyo Taliye Maslax, oo ah Taliyaha Guutada 77-aad ee Madaxtooyada.

Arrinta dagaalka ayaa lagu sheegay inay hadhayaysay maalmihii dhawaa, iyadoo muranka salka ku hayo dhulal ay isku calaamadsadeen askartaasi iyo Taliyaha Guutada 77-aad.

Sida xogta ay heshay SomaliView tilmaamayso, muranka ayaa ka dhashay dhulal badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaar laga iibsaday, halka qaar kalena ay yihiin dhulal hoy-degaan ah oo guryo laga dhisayo, kuwaas oo la sheegay inuu Taliyuhu leeyahay.

Askarta oo hal beel ah, gaar ahaanna ka soo jeeda jufada Madaxweynaha, ayaa iyaguna dhankooda dhul ku wareegsaday ciidamo iyo waardiyayaal hubaysan.

Taliyaha oo arrintan maqlay ayaa si degdeg ah ugu yeeray askartii, isaga oo ku amray inay si degdeg ah u baneeyaan goobaha ay qabsadeen, isla markaana askartu ay ka qaadaan dhulka ay ku wareejiyeen waardiyayaasha hubaysan.

Hase yeeshee, arrintu waxay isu beddeshay muran iyo qaylo, iyadoo mid ka mid ah askarta uu ku yiri Taliyaha: "Annaga maxaad nagaga awood badan tahay?"

Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii mid ka mid ah askarta uu furay qorigiisa, isaga oo ku dhaartay inuusan dhulkaas wareejinayn.

Qaylo iyo sawaxan kadib, Odayga Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu arrinta soo kala dhexgalay, isaga oo isku dayay inuu xaaladda dejiyo.

Ugu dambayn, kadib salaaddii Subax, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in nimankaasi laga dhaafo goobta Madaxtooyada, isla markaana sharciga la mariyo.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli muranka la xiriira dhulalka magaalada Muqdisho uu marayo heer aan caadi ahayn, iyadoo xitaa la sheegay in ciidamo iyo saraakiil isku dhinac ah ay isku dhacayaan.

Waxaa ka sii yaab badan in arrin la xiriirta dhul ay gaartay heer uu Taliye ugu dhowaan lahaa in lagu dilo.

Xayeysiis 728x90

Faallooyinka

  • Cabdi H.

    Warbixin fiican. Waxaan rajeynayaa in la sii daba galo horumarka mashruuca.

Warar kale oo aad xiisayn karto