War Deg-Deg Ah
Soomaaliya

Cabasho shacabka Muqdisho: Lacag dhan $5,000 oo la sheegay in guri kasta laga qaadayo

Shacab ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay qorshe la sheegay in guryaha laga qaado $5,000 oo loogu talagalay mashruuca “Sabarloogu Digital”, iyagoo sheegay inaysan awoodin culays dhaqaale oo cusub.

Fethi Ali SherifAugust 31, 2026 at 06:30 AM
Cabasho shacabka Muqdisho: Lacag dhan $5,000 oo la sheegay in guri kasta laga qaadayo
Shacabka Muqdisho ayaa ka cabanaya culayska dhaqaale ee lagu soo rogayo guryaha. · Sawirka: SomaliView

Muqdisho — 31 Agoosto 2026 — Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac iyo cabasho ka muujiyay qorshe la sheegay in guryaha magaalada laga qaado lacag dhan 5,000 oo dollar, iyadoo lagu sheegay in lacagtaas loogu adeegsanayo mashruuc la xiriira “Sabarloogu Digital”.

Mashruucan, oo horey loo qorsheeyay cidda ka shaqaynaysa iyo cidda lacagta qaadanaysa, ayaa maalmahan la horgeyn doonaa Duqa Caasimadda Muqdisho, Mungaab. Isaguna waxaa la filayaa inuu shacabka ku qasbo fulinta hawshaas.

Cabashada shacabka ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho ay ka taagan yihiin muranno la xiriira dhulka, guryaha iyo burburinta qaar ka mid ah dhismayaasha. Duqa Muqdisho ayaa dhowaan ka hadlay xiisadda dhulka, isagoo sheegay in dadka haysta dukumentiyada saxda ah aan dhulkooda la taaban doonin.

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda dhaqaale ee shacabka ay adag tahay, isla markaana aysan awood u lahayn in hal mar laga qaado lacag dhan $5,000, iyagoo dowladda ugu baaqaya in aan la saarin wax waajibaad dhaqaale ah oo aan la hayn sharaxaad iyo hannaan cad oo sharci ah.

“Shacabka nolosha ayaa ku adagtahay, guryaha iyo dhulkana waxaa ka taagan cabashooyin badan. Haddii lacag kale oo kumanaan dollar ah lagu soo kordhiyo, shacabka waa ay sii dhibaatoonayaan,” ayay cabashada shacabka ku soo koobayaan.

Qoraaga: Fethi Ali Sherif

Xayeysiis 728x90

Faallooyinka

  • Cabdi H.

    Warbixin fiican. Waxaan rajeynayaa in la sii daba galo horumarka mashruuca.

Warar kale oo aad xiisayn karto